Monday, May 9, 2016

TOPNEWS: Ra’iisulwasaare Sharmaake oo si deg deg ah uga jawaabay Warbixin ka soo baxday Wargeys Mareykanka laga leeyahay!!

MUQDISHO(PTIMES)- Ra’iisulwasaaraha dawladda Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa si deg deg ah uga jawaabay warbixin ku soo baxday mid kamid ah Wargeyska Washington Post oo si adag uga hadlay xaaladda Askareynta Caruurta ee Nabadsugidda Soomaaliya.
Sharmaake ayaa magacaabay guddi deg deg ah oo sameeya baaritaan rasmi ah oo la xariira dhacdooyinka lagu soo eedeeyey dawladda Soomaaliya.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in ay wax badan ka jirto warbixintan, waxaana Taliyaha Nabadsugidda Soomaaliya oo la weydiiyey arrimahan uu sheegay in ay caruur badan halis ku yihiin amaanka dalka, isla markaasna ay qaarkoodba ka soo mid noqdeen Al- Shabaab.
Guddiga la magacaabay ayaa kala ah.
1. Wasiirka Wasaaradda Cadaalada Mudane Cabdullaahi Axmad Jaamac (Ilka-jiir)
2. Wasiirka Wasaaradda Arr. Gudaha iyo Federaalka Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa
3. Wasiira Wasaaradda Amniga Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed
4. Taliyaha Ciidanka Asluubta Gen. Bashiir Maxamed Jaamac
Dawladda Soomaaliya waxay caawin Milateri oo xoog badan ka heshaa dawladda Mareykanka, gaar ahaana ciidamada La yiraahdo Gaashaan & Nabadsugiddu waxay toos mushaarka iyo dhaqaalaha ku baxaya howlgaladooda toos uga helaan dawladdaas, maadaama inta badan ay qabtaan Shaqooyin la xariira arrimaha argagixisada.


written by : macamar al qadaafi 
Read more

DHAGEYSO: Wararkii ugu dambeeyey ee qaraxii Ismiidaaminta ahaa Muqdisho

Warkii

MUQDISHO(PTIMES)- Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax culus oo saaka lagu weeraray dhisme ay leeyihiin ciidamada Ilaalada Wadooyinka ee gobalka Banaadir, kaas oo ilaa hadda inta la xaqiijiyey sababay dhimashada 6 qof, inkastoo ay intaas ka badan karto.
Goobjoogayaasha ayaa soo sheegaya in ay arkayeen Qiic iyo Uuro hawada qarisay markii uu dhacay qaraxan, waxa ayna cadeeyeen in sidda muuqata baabuurkan miineysan ee qarxay uu doonayey in uu ka gudbo albaabka hore ee dhismahan.
Afhayeenka maamulka G Banaadir Cabdifitaax Xalane wuxuu sheegay in ay fashiliyeen weerarkan, lana toogtay kooxihii ka dambeeyey weerarkan oo doonayey in a y gudaha dhismahan galaan.
Warar uu helay Warsidaha PuntlandTimes.com waxay sheegayaan in weerarkan uu ahaa mid ladoonayey in lagu dilo Saraakiil Sare oo katirsanaa Nabadsugidda Soomaaliya, kaas oo ku jiray xaruntan

written by : macamar al qadaafi
Read more

XOG AKHRISO: Guddoonka baarlamaanka Soomaaliya oo fuliyey Amaro uga yimid M/weynaha Soomaaliya!


Image result for breaking news




MUQDISHO(PTIMES)- Guddoonka baarlamaanka Faderaalka ayaa la xaqiijiyey in ay wax badan ka bedeleen Heshiisyadii horey loogu heshiiyey ee ku aadanaa arrimaha doorashada Soomaaliya, gaar ahaana labadii heshiis ee la gaaray bishii April, kuwaas oo qeexayey hanaanka doorashada dalka.
Qodobada la bedelay ayaa kala ah
  • Sidda loo xulayo baarlamaanka cusub ee imaan doona, oo wax badan laga bedelay.
  • Hanaanka doorashadan ay noqonayso oo ayana qodobada qaarkood aad loo taabtay.
  • Maqaamka Caasumadda Soomaaliya iyo gobalka Banaadir oo meesha lagu soo daray
  • Aqalka Sarre ayaa ayana sidda ay ku imaanayaan ay ka mid dhigeen dhinaca Odayaasha dhaqanka
  • Halka doorashadan ay ka dhacayso ayaa iyana wax badan laga bedelay.
  • In aan la burburin Guddiyadii ay horey u ansixiyeen baarlamaanka Soomaaliya oo ay ka mid yihiin guddiga doorashada Soomaaliya.
Mudane katirsan baarlamaanka Soomaaliya oo aan la xariirnay ayaa sheegay in qodobada wax laga bedelay ay ahaayeen kuwa horey ay uga soo horjeedeen Madaxweynaha dawladda Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud & Saaxiibadiisa Siyaasadeed.
Ilaa hadda ma jiraan cid ka hadashay oo kamid ah dawlad gobaleedyada dalka, balse walaac badan ayaa laga muujinayaa in haddii aan sidoodii loo deyn ay suuragal tahay in arrimo badan ay ka soo baxaan.

hh

written by : macamar al qadaafi
Read more

TOPNEWS+SAWIRO: Maxay ka wada hadleen Wafdi ka socda USA iyo Madaxda dawladda Soomaaliya?

MUQDISHO(PTIMES)- Wafdi ka socda dawladda Mareykanka ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho, waxa ayna kulan gaar ah la qaateen Madaxda dawladda Soomaaliya oo ay kala hadleen arrimaha Siyaasadeed ee xiligan taagan.
Wafdigan ayaa Garoonka diyaaradaha kula kulmay Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud & Ra’iisulwasaare Sharmaake, waxa ayna u soo gudbiyeen go’aano ku saabsan xaaladda Doorashada dalka.
Madaxweynaha ayaa wafdiga Mareykanka uga warbixiyey horumarka siyaasadda, diyaargarowga doorashooyinka 2016, arrimaha amniga, dagaalka lagula jiro argagixisada iyo xiriirka labada dal.
Wafdiga Mr Wharton oo ay ka mid ahaayeen saraakiil ka tirsan xafiiska safaaradda mareykanka ee arrimaha Soomaaliya , ayaa soo dhoweeyay horumarka Soomaaliya ay ku tallaabsaneyso, iyagoo si gaar ah xusay doorashooyinka sannadkan dhacaya oo ay ku tilmaamen kuwo muhiim u ah xasiloonida dalka iyo tan gobolka.
Mr Wharton ayaa sheegay in Mareykanka uu si buuxda u garab taagan yahay Soomaaliya, isla ma markaana taageeradaasi sii socon doonto ilamaa ay Soomaaliya ay dib cagaheeda isku taagto.

1

2

3

4


written by : macamar al qadaafi
Read more

WAR DEG DEG AH+SAWIRO: Madaxweyne Gaas oo Isbitaal ku booqday Wasiirka Amniga ee Puntland

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ku sugan magaalada Jabuuti ee caasimadda dalka Jabuuti ayaa maanta 09-May-2016  cusbitalka Cumar  Xasan Al-bashiir ee magaalada Jabuuti ku booqday Wasiirka amniga dawladda Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab oo lagu dabiibayo cusbitalkaasi.
Booqashada ayaa Madaxweynaha waxaa ku welinayey Marwada koowaad ee Puntland Dr’s Hodon Siciid Ciise, Wasiirka Maaliyadda dawladda Puntland Cabdulaahi Shiikh Axmed iyo xubno ka mid ah waftigii uu  Madaxweynuhu hoggaaminayey ee ka qayb galay caleemo saarka Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.
Agaasimaha Cusbitalka ayaa Madaxweynaha uga warbixiyey xaaladda guud ee Wasiirka waxaana uu sheegay in uu Wasiirku aad u caafimaad qabo isla markaana xaaladiisu ay meel wanaagsan marayso balse maalmo kooban lagu sii baxnaanin doono cusbitalkaasi.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa wasiirka ku booqday qolka uu cusbitalka ka jiifo, waxaana uu si gaar ah uga waraystay guud ahaan xaaladihiisa caafimaad iyo waxa uu dareemayo maadaama uu Wasiirku  muddo kooban ku jirey cusbitalkaasi.
Wasiirka Wasaaradda Amniga dawladda Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab ayaa Madaxweynaha u sheegay in uu cusbitalka kala kulmay maamuus aad u heer sareeya iyo adeeg caafimaad oo wanaagsan isla markaaana uu dareemiyo jawi caafimaad oo aad u wanaagsan kadibna uu dib ugu laaban doono Puntland.

1

2

4

6

7

9

10

writting by : macamar al qadaafi 


Read more

Tuesday, February 23, 2016

so dhawayn

asc, dhamaan asxaabta iyo bulsho waynta reer buurtinle. website-keenaan waxan ugu tala galnay inaan kuso gudbino qoraal ahaan wax kastoo ka socda dagmada buurtinle iyo nawaaxigeeda anga oo uga faa iidaynayna walaalahyga ku nool qurbaha iyo kuwa ku nool gobalada kale ee soomaaliz
Read more