MUQDISHO(PTIMES)- Wafdi ka socda dawladda Mareykanka ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho, waxa ayna kulan gaar ah la qaateen Madaxda dawladda Soomaaliya oo ay kala hadleen arrimaha Siyaasadeed ee xiligan taagan.
Wafdigan ayaa Garoonka diyaaradaha kula kulmay Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud & Ra’iisulwasaare Sharmaake, waxa ayna u soo gudbiyeen go’aano ku saabsan xaaladda Doorashada dalka.
Madaxweynaha ayaa wafdiga Mareykanka uga warbixiyey horumarka siyaasadda, diyaargarowga doorashooyinka 2016, arrimaha amniga, dagaalka lagula jiro argagixisada iyo xiriirka labada dal.
Wafdiga Mr Wharton oo ay ka mid ahaayeen saraakiil ka tirsan xafiiska safaaradda mareykanka ee arrimaha Soomaaliya , ayaa soo dhoweeyay horumarka Soomaaliya ay ku tallaabsaneyso, iyagoo si gaar ah xusay doorashooyinka sannadkan dhacaya oo ay ku tilmaamen kuwo muhiim u ah xasiloonida dalka iyo tan gobolka.
Mr Wharton ayaa sheegay in Mareykanka uu si buuxda u garab taagan yahay Soomaaliya, isla ma markaana taageeradaasi sii socon doonto ilamaa ay Soomaaliya ay dib cagaheeda isku taagto.
written by : macamar al qadaafi
0 comments