Monday, May 9, 2016

TOPNEWS: Ra’iisulwasaare Sharmaake oo si deg deg ah uga jawaabay Warbixin ka soo baxday Wargeys Mareykanka laga leeyahay!!

MUQDISHO(PTIMES)- Ra’iisulwasaaraha dawladda Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa si deg deg ah uga jawaabay warbixin ku soo baxday mid kamid ah Wargeyska Washington Post oo si adag uga hadlay xaaladda Askareynta Caruurta ee Nabadsugidda Soomaaliya.
Sharmaake ayaa magacaabay guddi deg deg ah oo sameeya baaritaan rasmi ah oo la xariira dhacdooyinka lagu soo eedeeyey dawladda Soomaaliya.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in ay wax badan ka jirto warbixintan, waxaana Taliyaha Nabadsugidda Soomaaliya oo la weydiiyey arrimahan uu sheegay in ay caruur badan halis ku yihiin amaanka dalka, isla markaasna ay qaarkoodba ka soo mid noqdeen Al- Shabaab.
Guddiga la magacaabay ayaa kala ah.
1. Wasiirka Wasaaradda Cadaalada Mudane Cabdullaahi Axmad Jaamac (Ilka-jiir)
2. Wasiirka Wasaaradda Arr. Gudaha iyo Federaalka Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa
3. Wasiira Wasaaradda Amniga Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed
4. Taliyaha Ciidanka Asluubta Gen. Bashiir Maxamed Jaamac
Dawladda Soomaaliya waxay caawin Milateri oo xoog badan ka heshaa dawladda Mareykanka, gaar ahaana ciidamada La yiraahdo Gaashaan & Nabadsugiddu waxay toos mushaarka iyo dhaqaalaha ku baxaya howlgaladooda toos uga helaan dawladdaas, maadaama inta badan ay qabtaan Shaqooyin la xariira arrimaha argagixisada.


written by : macamar al qadaafi 
Load disqus comments

0 comments