MUQDISHO(PTIMES)- Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax culus oo saaka lagu weeraray dhisme ay leeyihiin ciidamada Ilaalada Wadooyinka ee gobalka Banaadir, kaas oo ilaa hadda inta la xaqiijiyey sababay dhimashada 6 qof, inkastoo ay intaas ka badan karto.
Goobjoogayaasha ayaa soo sheegaya in ay arkayeen Qiic iyo Uuro hawada qarisay markii uu dhacay qaraxan, waxa ayna cadeeyeen in sidda muuqata baabuurkan miineysan ee qarxay uu doonayey in uu ka gudbo albaabka hore ee dhismahan.
Afhayeenka maamulka G Banaadir Cabdifitaax Xalane wuxuu sheegay in ay fashiliyeen weerarkan, lana toogtay kooxihii ka dambeeyey weerarkan oo doonayey in a y gudaha dhismahan galaan.
Warar uu helay Warsidaha PuntlandTimes.com waxay sheegayaan in weerarkan uu ahaa mid ladoonayey in lagu dilo Saraakiil Sare oo katirsanaa Nabadsugidda Soomaaliya, kaas oo ku jiray xaruntan
written by : macamar al qadaafi
0 comments